AKHRISO:- QM oo dalbatay Mallaayiin Dollar si loogu caawiyo Soomaaliya oo ay abaar ku dhufatay

0

Saaxiibada Qaramada Midoobay ee dhinaca bini’aadantinimada ee Soomaaliya ayaa dalbaday $2.6 bilyan si loogu caawiyo malaayiin qof oo ku nool dalka Geeska Afrika ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (UNOCHA) ayaa ku qiyaasay in 8.25 milyan oo qof ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo iyo ilaalin naf-badbaadin ah oo “ degdeg ah”.

” Macaluul waa suurtogalnimo xooggan laga bilaabo Abriil ilaa Juunyo iyo wixii ka dambeeya haddii gargaarka bani’aadamnimo aan la joogteyn iyo haddii roobabka soo socda ay hoos u dhacaan, sida saadaasha hadda jirta,” ayay tiri Qaramada Midoobay.

Abaarta ayaa barakicisay in ka badan 1.4 milyan oo qof.

QM waxa ay sheegtay in abaarta daba dheeraatay ee ka jirta Soomaaliya ay sidoo kale dishay ugu yaraan 3.5 milyan oo xoolo ah, taas oo sare u kicisay maciishada.

“Inkasta oo aan la gaarin heerkii macluusha, xaaladdu aad ayay Qatar u tahay: xaaladaha daba dheeraaday iyo kuwa ba’an waxay keeneen dhimasho ka badan kuwa caadiga ah iyo dhimashada xad dhaafka ah haddii aan gargaarka la sii kordhin ,” Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay

Iyadoo la filayo in la dhimo dhaqaalaha lagu bixiyo gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya, ayaa Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 8.3 milyan oo qof ay u badan tahay inay la kulmi doonaan heerar sare oo cunto yari ah inta u dhaxaysa bilaha April iyo June.

War saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray in colaadaha iyo amni darada dalka ka jirta ay wali caqabad ku yihiin gargaarka bini’aadantinimo.