AKHRISO:- Meydadka arday Soomaali ah oo laga helay burburka dhul-gariirkii Turkiga

0

Dadka uu khasaaruhu ka soo gaaray dhul-gariirkii Turkey waxaa ku jira dadka Soomaalida ah oo ku noolaa dalkaas, iyada oo shalay la helay meydadka laba ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee wax ka baranaysay Turkiga.

C/kariim Nuur Cusmaan oo ay walaalo yihiin mid ka mid ah labaasi wiil ayaa sheegay in Walaalkiis Maxamed uu ahaa Arday waxka bartay dalka Turkiga, balse fasax isaga oo kujira uu rag saaxiibadiis ah booqasho ugu tegay goobta uu dhul gariirka, isla markaana uu ku dumay dabaq ay daganaayeen.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay jiraan dad kale oo kaga baadi goobayo burburka dhismayaasha hoostiisa, kuwaas oo qaarkood Soomaali yihiin, isla markaana xaaladu ay tahay mid cakiran.