AKHRISO:- Qarax uu ku dhintay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Gobolka Sanaag

0

Xubno la sheegay inay katirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerareen degaanka Durduri oo kuyaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Ceelaayo iyo Laasqoray ee gobalka Sanaag, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Puntland iyo maleeshiyaad degaanka ah.

Hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadkii degaanka ay isaga baxeen degaanka Durduri ee Gobolka Sanaag, balse Maamulka Puntland uu degaanka u soo diray Ciidamo gurmad si ay dib ula soo wareegaan.

Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada gurmadka ahaa qarax lagula eegtay duleedka deegaanka Ceelaayo, kaas oo uu ku dhintay taliyihii Ciidamada degaanka ee Buuraha Calmadow oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Xiireey iyo mid kamid ah ilaaladiisa tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaanka Durduri, hayeeshee laamaha Amniga Puntland ayaa weli dhankaada ka hadlin weerarkaas iyo qaraxa lala eegtay Ciidamada.

Weerarkaan iyo qaraxa ka dhaca Gobolka Sanaag ayaa kusoo aadayaa xilli xiisad siyaadeed ay ka taagan tahay Magaalada Garoowe, taas oo ka dhalatay diiwaangelinta doorashooyinka lagu muransan yahay.