AKHRISO:- Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

0

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar kadib mumaasabad ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Dugsiga tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hey’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Dhammaan Saraakiisha kale ee Ciidamada Booliska oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.