AKHRISO:- Taliska Ciidanka ATMIS oo sheegay in ay baarayaan dil ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta

0

Taliska ciidamadda ATMIS ayaa shaaciyay inay ka xun yihiin dil askari ka tirsan ciidankooda uu ka geystay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Baaritaano ay sameeyay ATMIS ayaa lagu sheegay in falkaan dilka ah uu dhacay kadib markii sida ay sheegeen qof aan la aqoonsan uu ku tuuray shay laga shakiyay mid ka mid ah gawaarida ATMIS ayna askartu rasaas kaga jawaabaan falkan, taasoo keentay geerida qofka shacabka oo ay ATMIS sheegtay inay ka shakiyeen.

Sidoo kale , ATMIS ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan madax banaan oo ku saabsan sida ay wax u dheceen waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaaladda iyadoo natiijooyinka kasoo baxana ay la wadaagi doonaan dowladda Soomaaliya.