AKHRISO:- Abiy Ahmed iyo TPLF oo kulmay markii ugu horreysay

0

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumaddiisa ayaa sida ay sheegeen masuuliyiin iyo warbaahinta dawladu, kulankii u horreeyey la yeeshay hoggaamiyeyaasha TPLF tan iyo markii heshiiska nabadeed la gaaray bishii November.

Ciidamada Dowladda iyo kiwa xoogaga TPLF ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo xoogan ay ku dhexmarayeen Gobolka Tigreega, hayeeshee ugu dambeyn heshiis la kala dhex dhigay.

Inta badan degaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Tigreega ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamada Federaalka Itoobiya, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii ay wada galeen.