AKHRISO:- Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

0

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Aadan Isxaaq Xasan oo Magaciisa Afgarashada uu yahay (Jacfar) oo ka mid ahaa mudo 3-Sano ah Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka.

Jacfar ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada, isagoona ka soo howlgalley Gobolada Baay, Bakool iyo Jubbada Dhexe.

Wuxuu sheegey in sababta ku Kaliftey in Al-Shabaab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay Habeen iyo Maalin ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay kasoo tagaan ragga kale ee weli ka barbar dagaalamaya.