AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo weeraray degaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar qorshaysan ku qaaday Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Baraagta reer Shadoor oo hoos tagta degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa Warbaahinta u sheegay inay Ciidamadu gubeen Gaari Cabdi Bille ah, sidoo kale ay dileen Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in gaari uu saarnaa qoriga lidka diyaaradaha ay ciidanku howlgalka ku burburiyeen.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta sidoo kale u sheegay in deegaankii uu howlgalkaasi ka dhacay ay caganta ku dhigeen, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.