AKHRISO:- laftagareen oo cafis u fidiyay askartii ka qeyb qaadatay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey askartii u xirneyd ka qeybgalka shaqaaqadii bil kahor ka dhacday Magaalada Baydhabo ee u dhaxeeysay Ciidamada ka amar qaadanayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Musharixiinta mucaaradka.

Tallaabadan cusub ayaa ka tarjumeysa dadaallada Dib u heshisiinta ah Koonfur Galbeed taas oo uu ku guuleystay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu yiri” Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay, 22 January 2023, waxaa uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed cafis iyo saamaxaad u fidiyey maxaabiis, maadamaa lagu guda jiro hanaanka dib-u-heshisiinta ee Koonfur Galbeed, sidaas awgeedna waxa uu xafiiska xeer ilaalinta iyo Nabad sugida la farayaa in laga sii daayo xabsiga Nabadsugida KG ee degmada Baydhabo maxaabiista ku xeran.

Askarta cafiska loo fidiyay oo gaaraya ilaa 20 Askari ayaa kamid ahaa askartii ka qeyb gashay dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo gaar ahaan kuwo la safnaa Siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay.

Nuur Maxamed C/llaahi 38 jir ah kana tirsan ururka 47aad Qeybta 60 aad Baydhabo.

Xooga dalka Ibrahim Macalin Isaaq 35 jir ah kana tirsan 45aad Qeybta 60 aad Baydhabo.

Xooga dalka Xassan Cismaan Ibraahim 46 jir ah kana tirsan ururka 46aad Qeybta 60 aad Baydhabo.

Xooga dalka Maxamed Isaaq Cismaan 38 jir ah kana tirsan taliska Qeybta 60 aad Baydhabo.

Xooga dalka Cali Aadan Ibraahim 29 jir ah kana tirsan taliska geybta 60 aad Baydhabo.

Xooga dalka Xassan Cabdi Cali 22 jir ah kana tirsan ururka 47aad qeybta 60 aad Baydhabo.

Xooga dalka Mugtaar Waarow C/laahi 38 jir ah kana tirsan ururka 46aad Qeybta 60 aad Baydhbo.

Xooga dalka Cismaan Maxamed Xuseen 22 jir ah kana tirsan ururka 45aad Qeybta 60 aad Baydhabo.

Maxamed C/laahi Adan 35 jir ah kana tirsan kumaando boolis Xamar.

Maxamed Cali Xuseen 33 jir ah kana tirsan kumaando boolis xamar.

Maxamed C/raxmaan Mursal 40 iir ah kana tirsan booliska soomaliyeed gaar ahaan saldhiga degmada Baydhabo.

Maxamed Aadan Cabdi 34 jir ah kana tirsanaa dolow

Ciise C/laahi Axmed 22 jir ah kana tirsanaa dolow

Caydaruus Saalax Duurey 33 jir ah kana tirsanaa Qansax Dheere.

Asluub Maxmed xassan Cali 47 jir ah kana tirsan asluubta baydhabo;

Cali Xassan Maxamed 29 jir ah ku kana tirsanan jirey Qeybta 60 aad Baydhabo.

Aadan Maxamed Bute ku jira Isbitaalka magalada Baydhabo

C/laahi Gacamey oo ku jira Isbitaalka Magalada Baydhabo

Burhaan Maxamed Ibraahim 40 jir ah kana tirsan Cidanka Dulmidid

Isgoowe ibraahim Hassan

Tallaabadaan uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed cafiska ugu fidiyay askartii kamid aheyd kuwii Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed kula dagaalamay magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadeysa xilli Madaxweyne Xasan Sheekh & Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay Baydhabo ka wadaan kulamo ay ku dhex-dhexaadinayaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa.