AKHRISO:- Howlgallo ka socda degaan ay la wareegeen Ciidanka xoogga dalka

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ka wada deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose oo shalay ay kala wareegeen Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay ku raadjoogaan xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee degaanka kala wareegewn, sidoo kalena ay wadaan howlgallo miino baaris ah.

Deegaanka Jannaay Cabdalle oo kala bara degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo waa marin muhiim ah oo isku xira gobolada Jubbada hoose, Jubbada dhexe, Gedo iyo gobolka Waqooyi bari Kenya.