AKHRISO:- Dowladda oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii Xarunta Gobolka Banaadir

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga aysoo gabagabeeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ay goobta ka fuliyeen hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.

Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro Xubnihii Al-Shabaabka ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay ragii katirsanaa Al-Shabaab oo ka koobnaa 6 Ruux.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen 5 Ruux oo Shacab ahaa, balse waxaa dadka dhintay la xaqiijiyay in uu kamid ahaa Agaasimihii Naafada Gobolka Banaadir, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ahaa kuwa lugaynayay iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, Dowladdu waxay u tacsiyaynaysaa muwaadiniinta halkaas ku shahiiday iyada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiri” Warka dowladda.

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Al-Shabaab waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Shabaab laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.