AKHRISO:- Dagaal weli ka dhex socda Xarunta Gobolka Banaadir iyo Ciidamo la geeyay

0

Waxaa weli rasaas laga maqlayaa Xarunta Maamulka gobolka Banaadir, halkaas oo la sheegay inay ku dagaalamayaan Ciidamada ammaanka iyo rag katirsan Al-Shabaab oo weeraray.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo qarax ku billaawday, waxaana gebi ahaan xiran wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Gobolka Banaadir.

Ciidamo farabadan oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayay geeysay dowladda Soomaaliya Xarunta Maamlka Gobolka Banaadir si loo soo afjaro ragga weeraray Xarunta, waxaana xusid in mas’uuliyiin iyo qaar kamid ah Shaqaalaha gobolka Banaadir goobta laga soo badbaadiyay.