AKHRISO:- Salva Kiir oo amray in la bixiyo Qaaraanka Sanadlaha ee QM

0

Madaxweynaha dalka Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir Mayardit waxa uu shalay amray in la bixiyo Lacagtaasi, kadib, markii la xayiray Xuquuqda Cod-bixinta dalkiisa ee Golaha Guud ee QM.

Bishan January 17-dii, 6 dal oo xubin ka ah QM oo ay Suudaanta Koonfureed ka mid tahay waxay lumiyeen Xuquuqdooda Cod-bixinta ee QM, kadib, markii ay bixin waayeen Qaaraankii Lacageed ee Miisaaniyada lagu socodsiiyo hawlaha QM.

Sida laga soo xigtay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Gutierrez waxay dalka Suudaanta Koonfureed loo baahan yahay inay bixiyaan lacag dhan $196,130, si dib loogu soo celiyo Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM.

Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada dalkaasi , Barnaba Marial Benjamin ayaa sheegay inuu Madaxweyne Salva Kiir amray Wasaaradda Maaliyadda inay bixiyaan Qaaraanka Sanadlaha ee QM oo aan horey loogu bixinin xilligeeda.

Qoddobka 19 ee Cahdiga QM (Under Article 19 of the Charter of the United Nations) waxa uu dhigayaa in dalkii San Qaaraanka Sanadlaha bixinin muddo 2 sano ah inuu lumina karo Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM

Dalalka Lebanon, Venezuela, Dominica, Equatorial Guinea iyo Gabon ayaa ah 6-da dal ee lumiyey Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM.

Si kastaba, QM waxay u oggolaatay saddexda Waddan ee Somalia, Comoros iyo Jesiiradaha Sao Tome and Principe oo aan bixinin Qaaraankaasi inay ka codeyn karaan Golaha Guud ee QM ilaa dhamaadka Shir-xilliyeedka 77-aad ee Golahaasi.