AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Taliye kuxigeenkii Ciidanka DANAB

0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay shacabka, Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure) oo saaka ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay la dagaa;amaan A;=Shabaab.

“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda” ayuu yiri Madaxweynaha.

Taliye Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure) ayaa ku dhintay weerar saaka ka dhacay Galcad, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dowladdu sheegtay inay ku dishay 100 katirsan Al-Shabaab