AKHRISO:- 145 qof oo la la’yahay ka dib markii ay degtay doontii ay la socdeen

0

Ugu yaraan 145 qof oo rakaab ah ayaa la la’yahay, waxaana laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii ay degtay doon si xad dhaaf ah loo raray oo ay saarnaayeen dadkan rakaabka ah iyo weliba alaab iyo xoolo. Doontan ayaa ku degtay webi ku yaalla Woqooyiga Galbeed ee Congo-Kinshasa, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi.

Sida saraakiishu ay sheegeen waxaa masiibadaas ka badbaaday illaa 55 qof. Doonta ayaa u socotay Jamhuuriyadda Congo, xilligii ay ku degaysay webiga Lulonga oo u dhow magaalada Basankusu.

Jean-Pierre Wangela, oo ah guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ee deegaanka ayaa u sheegay suxufiyiinta in ugu yaraan 145 qof la la’yahay. Wuxuuna sababta keentay degitaanka doontan ku eedeeyey inay tahay rarka xad dhaafka ah taasoo sabab u noqotay burburka doonta, laakiin wuxuu sheegay in dadka deegaanku aanay haysanin wax kale oo ay sameeyaan, marka laga hadlayo safarka doonyahan halista badan.

Wuxuu sheegay inaanay jirin habab kale oo fududaynaya isku xidhka dhulka ee Basankusu ee deegaanada kale, hase ahaatee doonyahan halista badani ay ka mid yihiin kuwa keliya ee la heli karayo.

Bishii Oktoobar, in ka badan 40 qof ayaa ku dhintay webiga Congo ee gobolka Equateur xaalado sidan oo kale ah.