AKHRISO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay qaadista Canshuurta Guryaha

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in dib loo bilaabayo Canshuurtii ay dowladda hoose ka qaadi jirtay guryaha kuyaalla Magaalada Muqdisho, taas oo Maamulka gobolka Banaadir uu joojiyay 24-kii Bishii Octoober ee sanadkii tegay ee 2022.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir oo uu Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Maamulka Saalax cumar Xasan ayaa waxaa lagu sheegay in sababaha horay loogu joojiyay qaadista lacagaha guryaha ay aheyd in la hagaajiyo nidaamka Maaliyadeed & hananka qaadista Canshuurta Guryaha si loo xaqiijiyo hufnaan,& daahfurnaan kor u qaadi karta kororka dakhliga soo gala Maamulka Gobolka.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu ku amray milkiilayaasha Guryaha burursan ee kuyaalla Magaalada muqdisho looga baahan yahay inay hagaajistaan si ay qeyb uga noqdaan bilicda Caasimadda, isla markaana Maamulka gobolka Banaadir uu diyaar ula yahay fududeynta arrintaasi.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli Maamulka gobolka uu Canshuur farabadan ka qaado Shacabka muqdisho, balse aan loogu qaban waxyaabihii muhiimka ahaa oo ay u baahnaayeen.