AKHRISO:- Lafta-Gareen oo sheegay in Bil gudaheed Al-Shabaab uga saarayaan degaannada Koofur Galbeed

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftaagreen) ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen howlgalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab ka bilaabanaya degaannada Koonfur Galbee si looga saaro.

Madaxweynaha oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in iyaga oo fulinaya amarka Madaxweynaha ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay bilaabeen diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee howlgallada.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in muddo bil gudaheed ay Al-Shabaab uga saari doonaan degaannada Koonfur Galbeed oo uu ku eedeeyay inay dhibaato badan u geysteen Dadka Shacabka.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheegay shirka dib u heshisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee uu furay in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo degaannada Koonfur Galbeed.