AKHRISO:- Galmudug oo walaac ka muujiyay xaaladda Bani’aadannimo degaannadii laga saaray Al-Shabaab

0

Masuuliyiinta Galmudug ayaa walaac xooggan ka muujinaya xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaannadii dhowaan la xoreeyey iyo weliba dadkii ka barakacay deegaanadaas, sida Xarardheere, Galcad iyo Ceeldheer.

Agaasimaha Gar-gaarka Iyo Musiibooyinka ee Wasaaradda Gar-gaarka Galmudug Maxamed Cabdulaahi Cali Wardheere ayaa sheegay in waxyaabaha ugu daran ee heysta ay kamid yihiin Biyo la’aan kadib markii Al-Shabaab ay Ceelashii ka gubeen.

Agaasimaha oo Wareysi siiyay Voa-da wuxuu sheegay in dadka sidoo kale u baahan yihiin dib u dejin maadaama ay ka baraceen degaannadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab iyo caafimaad maadaama degmooyinkaas aysan laheyn goobo caafimaad oo waaweyn.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Galmudug in dadka kunool degaannadii dhawaan laga saaro Al-Shabaab la soo gaarsiiyo waxkasta oo muhiim u ah nolosha.