AKHRISO:- Booliska oo Muqdisho ku qabtay Nin ku eedeysan in uu dhac geystay

0

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Cabdicasiis ayaa gordhaweyd qabtay Mid kamid ah burcadda hubaysan kaasi oo Muwaadin Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa ka dhacay Mooto Bajaaj uu lahaa kadibna ka badalay taargada.

Ciidanka Booliska Degmada Cabdicasiis ayaa ninkaan ka qabtay Dhabarka danbe ee Garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow, waxaana haatan lagu soo xiray Saldhigga Degmada, ciidanka ayaana haatan haya dhibanihii laga dhacay Mootada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidammada Booliska ay Muqdisho ka wadeen howlgallo kala duwan, iyaga oo gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo dhac u geysanayay dadka Shacabka ah