AKHRISO:- Suldaaan Maxamuud Suldaan Jamac oo Fariin u diray Guddiga doorashooyinka Puntland

0

WAXAA QORAY, Suldaan Mohamud Suldaan Jaamac oo ah, Xoghayaha Isimada dhaqanka Puntland, Waxayna kusocotaa Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland

Asc Mudane Gudoomiye Wakhtiga aad siiseen isdiwaan gelinta Doorashooyinka Golayaasha Degmooyinka Punlaand kuma filna natiijada soo baxdayna uma qalanto in loo diwaan geliyo 3 dexda Gobol oo Punlaand iyo soomaliyaba ugu waa weyn uguna dadka badan mudane gudoomiye dadkuna waxay ubaahan yihiin wacyigelin intaas ka badan iyo in loo qabto kulamo waa weyn oo dadka lagu qanciyo iney isdiwaan gelinta iyo doorashooyinka Golayaasha degmooyinka Punlaand ay tahay masiirkooda.

Mudane gudoomiye waxaan talo kuugu soo jeedinayaa hadaysan Ahayn waxaagu igu sawir iyo qorsha yaalkale talooyin kaan hoos ku qoran.

1, Waa in lagu Daro wakhti ku filan isdiwaan gelinta ugu yaraan 45 maalmood 3 dexda Gobol oo hada ay ka socoto isdiwaan gelintu

2, Waa in lama gacaabo gudi isugu jira
Culuma udiin iyo nabadoono iyo dhalin yaro iyo siyaasiyiin Dadka wacyi geliya oo Agabkooda loo dhamaystiro.

3, Waa iney Kaqayb qaataan Ololaha isdiwaan gelinta Xisbiyada la,aqoon saday oo ku tarbamaaya degmooyinka .

4, Waa inaan laysu xirin nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo mudo xileedka uharay Xukuumada hada talada haysa.

Ugu Dabeyn waxaan ugu baaqayaa dad weynaha reer Puntland iney isdiwaan geliyaan oo masiir kooda kataliyaan kana faa,iideystaan jaanis kaan maantay soomaray oo lagaga gudbaayo doorashooyinkii taraha ahaa.

Allaa Mahadleh.
Wabilaahi Towfiiq.