AKHRISO:- Qarax ka dhacay deegaanka laag, ee Gobolka Bari iyo khasaare ka dhashay.

0

Wararka ka imaanaya deegaanka laag, ee Gobolk Bari ayaa sheegaya in miino nooca dhulka lagu aaaso ah ay ku Qaraxday meherad ay ku sugnaayeen Ciidama ka tirsan kuwa Amniga Punland.

Qaraxa ayaa geyatay khasaare dhaawac oo soo gaarey laba Askari oo dhaawacdooda loo qaaday Bosaaso goob-jooge aan la xiriirnay ayaa noo sheegay In Ciidanku shacabka halkaas ku sugan uga digeen Miino kale oo ku aasan meel aan sidaa uga fogayn halka tii hore ku qaraxday.