AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe & Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed?

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed asagoo kala hadlay in kaalintooda odeynimada ah qaataan.

Kulanka odayaasha dhaqanka iyo Guddoomiyaha ayaa diirada lagu saaray sida wajiga koowaad ee dib u heshiisiinta loo mira-dhalin lahaa, waxaana odoyaasha dhaqanka loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii madmadow ah ee Ka dhex jira bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo boggaadiyay doorka odayaasha dhaqanka iyo ilaalinta dhaqankeena ku aaddan xalinta khilaafaadka ayuu ku tilmaamay mid mudo soo jirtay, odayaashana ay laf dhabar u yihiin is dhexgalka iyo nabada bulshada Soomaaliyeed.