AKHRISO:- Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

0

Howlgal ay Wadajir u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sirdoonka Qaranka NISA, Ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Xawaadleey oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoostagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Warka kasoo baxay dowladad Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 25 ka tirsan Al-Shabaab ayadoo sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

Maalin ka hor ayay aheyd markii xilli aroor ah ay weerar qaraxyo ku billaawday ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Xawaadleey, waxaana weerarkaas dadkii ku dhintay kamid ahaa Taliyihii guutada 3 aad qeybta 27 aad Col Abshir Shataqeey.