AKHRISO:- Dagaal ka socda duleedka degmada Xarardheere

0

Ciidanka xoogagga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Bacadka faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac kaga beegan degmada Xarardheere masaafo 10 KM.

Howlgal xooggan ayaa wali socda waxaana halkaasi ku sugnaa oo la weeraray xubno katirsan Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ay war ka heleen in Al-Shabaab isku aruursanayeen degaanka Bacadka Faarax Aadan, isla markaana weerarka ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wiixi kusoo kordha Allgalgaduud kalasoco insha allah.