Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadada, Mr Gilles Michaud.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa warbixin ka siiyey Kaaliyaha guulaha ay dowladdu ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku wajahan xasillinta deegaannada la xoreeyay.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M. ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay guulaha ay ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in hay’adda Qaramadda Midoobay diyaar u tahay in Soomaaliya kala shaqayso qorshaha xasillinta iyo sidii dadka ku sugan goobaha la xoreeyay loo gaarsiin lahaa gargaar degdeg ah iyo adeegyada assaasiga ah.