AKHRISO:- Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay degmada Kaxda

0

Laamaha Amniga degmada kaxda iyo & mas’uuliyiinta Maamulka degmada ayaa howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Kaxda gaar ahaan Xaafadaha ka agdhow goobaha ganacsiga

Gudoomiyaha degmada Kaxda Caabdullaahi Cabdiraxmaan oo faah faahiyay ujeedka howlgalka ayaa sheegay in, iyaga oo fulinayay amarka guddoomiyaha gobolka banaadir ay howlgalkaas fuliyeen, isla markaana looga hortagayay ciyaal weerada iyo dadka isticmaala waxayaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in intii howlgalku socday ay kusoo qab qabteen dad badan oo laga shakiyay, isagoo xusay in maalmihii la soo dhaafay ay dadka degan degmada Kaxda qaati ka taagnaayeen Kooxo Ciyaal weero ah.

Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay kamid aheyd degmooyinka ugu amniga wanaagsan Caasimadda, hayeeshee maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal amni darro, iyada oo dhawaan qarax lala beegsaday Xoghayaha degmadaas.