AKHRISO:- Wasiir Ilyaas” Dadka mucaaradsan Maamulka Koonfur Galbeed tallaabo sharci ah ayaan ka qaadeeynaa”

0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa Maanta ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Siyaasada, Amniga, isaga oo baaq u direy xildhibaanada Koonfur Galbeed, laamaha kala duwan ee Ciidamada iyo Shacabka intaba.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan siyaasiyiin maalmihii la soo dhaafay shirar ku qabanayay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo diidan orumarka ka socda degaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa hadalkiisa waxaa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu yahay maamul dhisan oo nimaad leh, kana gudbay xilligii dad is aruursaday ay ugu hanjabi jireen arrimo qabiil, isaga oo sicad u sheegay in siyaasiyiinta mucaaradsan Maamulka ay yimaadaan degaannadooda ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay in hadda dadka iyo Maamulka Koonfur galbeed dhibaato loo soo maleegayo, isaga oo ugu baaqay Xildhibaannada iyo Bulshada degaannada Koonfur Galbeed inay ilaashadaan amnigooda & jiritaanka dowladooda.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay shirar ku qabsanayeen siyaasiyiin kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegaya in maranaba aysan ka aqbali doonin Madaxweyne cabdicasiis laftaagreen in uu muddo kororsi sameysto loona baahan yahay in doorasho la qabto.