AKHRISO:- Wariyeyaasha Muqdisho oo ka cabanaya dowladda Soomaaliya

0

Kulan ay soo qabanqaabiyeen Somali Journalists Syndicate – SJS iyo Somali Media Association -SOMA oo ay ka qeybgaleen saxafiyiinta iyo Madaxda warbaahinta madaxa-bannaan ayaa lagu cambaareeyay xarigga weli sii socda ee lagu hayo Xoghayaha Guud SJS Abdalle Ahmed Mumin.

Waxaa si kulul loo cambaareeyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta – gaar ahaan Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta oo ku xadgudbay nidaamka dowladda isagoo oo qaab qabiileysan u weeraray Abdalle Muumin.

Afhayeenka Warfaafinta Ururka SJS Maxamed Ibraahim ( Bulbul) ayaa kulanka ka sheegay in Xoghaye Cabdalla Muumin uu dhibbane u yahay Saddex Mas’uul oo ilmo adeer ah, kuwaas ooa y kamid yihiin Cabdiraxmaan Al-Cadaalla iyo Mahad Salaad oo ah Agaasimaha NISA.