AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degmada Aadan-yabaal ee G/Shabeellaha Dhexe

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo xoogan ka wada qeyb kamid ah degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalmo ka hor isaga axeen ururka Al-Shabaab.

Ciidamada oo aan weli gudaha u gelin degmada Aadan-yabaal ayaa ka cabsi qaba inay miinooyin waddooyinka ku Aaseen Al-Shabaab, waxaana saaka mararka qaar la maqlayay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen gudaha degmada Aadan-yabaal oo qaarkood qarxay.