AKHRISO:- Shir laga yeeshay Ammaanka degaannada Jubbaland.

0

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa shir gudoomiyey Shirka bilaha ah ee looga hadlo amniga Jubbaland kaas oo bishii mar laqabto.

Shirkan waxaa ka qeyb galay xubno kamid ah golaha Wasiirada Jubbaland saraakiil kasocotay ciidamada Xogga Dalka, taliye kuxigeenka Booliska Jubbaland, Taliyaha ciidanka Daraawishta, taliyaha Booliska gobolka Jubbada hoose, sarakiil kasocday Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland, Ciidanka ATMIS Qeybahooda kala ah 6,3,2 iyo Madax ka socotay UN-ka.

Shirkan ayaa inta badan la iskaga xog wareysanayey xogaha Amiga Jubbaland, Sidii loo qorsheyn lahaa howlgalada looga saarayo deeganada ay Al-Shabaab gacanta kuhayaan iyo horumarinta Amniga, Xoojinta Qorshaha howlgalada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab iyo hagaajinta Amanka degaanada Jubbaland.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay in Ciidamada ATMIS ay door muuqda ka qaataan howlagalada ka dhanka ah Al-Shabaabiyo xaaladaha bini’adanimo Ee ka jira degaanada Jubbaland .