AKHRISO:- Madaxweynaha Puntland oo kulan gaara ah la qaadanaya Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan gaar ah kula qaato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kal hore waxaa soo baxayay warar sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tagayo Magaalada Boosaaso, hayeeshee safarkaas u dib u dhacay, taas bedelkeedana Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu yimid Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la filayo in safarkiisa Muqdisho uu qaato muddo laba Cisho ah ayaa waxaa uu diidan yahay in shaqsiyaad siyaasadiisa kasoo horjeeda, kuwaas oo kasoo jeeda Puntland xilal sar sare looga magacaabo dowladda Federaalka,balse rag saaxiibiidiisa kamid ah la siiyo xilalka taliyaha Ciidamada xoogga ama Booliska iyo Safiirka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowr jeer ka horyimid tallaabooyin ay qaaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa sidoo kale uu siweyn uga soo horjeeday siyaasadii ay wax ku maamuleysay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan gaar ah la qaadan doonaa safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry André, iyaga oo ka wada hali doona arrimo la xiriira xoojinta xiriirka iskaashiga ee labada dhinac gaar ahaanna Arrimaha Amniga iyo La-dagaallanka Al-Shabaab & arrimo gaar ah oo quseeya hay’adda PSF.