AKHRISO:- Dowladda Norway oo Soomaaliya Ku Taageeraysa $30 Milyan oo dollar

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

Dowladda Norway oo Dowladda Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $30 Milyan oo doollar oo ah mashaariic horumarineed.

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway Anne Beathe.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway Anne Beathe ayaa Maanta sidoo kale kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.