AKHRISO:- Diyaaradaha dagaalka Israel oo duqeeyay Magaalada Qaza

0

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa weerar ku qaaday goobo ku yaalla marinka Qaza, kaddib markii gantaal uu ku soo dhacay koonfurta Israa’iil, iyadoo xiisaddaasi ay gaartay heer aad u kulul oo ka taagan Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo 10 Falastiiniyiin ah ay ku dileen ciidammada Israa’iil tan iyo toddobaadkii hore.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee saacadihii hore ee Axadda ay la beegsadeen goob lagu farsameeyo hubka iyo godad dhulka hoostiisa mara oo ay leeyihiin Xamaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda gantaalkan oo lagu soo warramayo inuu yahay kii ugu horreeyay ee la rido muddo bil gudaheed ah, kaasoo ay milateriga Israa’iil sheegeen inuu ku dhacay meel bannaan oo u dhow xayndaabka Qaza iyo Israa’iil fiidnimadii Sabtida isagoo aan geysan khasaare nafeed iyo mid hantiyeed toona.