AKHRISO:- Deni Oo Is-Hortaag Ku Sameeyay Safar Ay Puntland Ku Tagi Leheyd Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi.

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa la sheegay inuu is-hortaag ku sameeyay safar ay deegaanada Puntland maanta ku tagi leheyd Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka Cimilada dowladda Soomaaliya.

Sida warbaahinta qaar ee Puntland qoreyso, wasiir Khadiija Al-Makhsuumi ayaa ujeedka safarkeeda ahaa sidii ay u tagi leheyd Deegaan u dhexeeya Garacad iyo Godob-jiraan oo ah deegaan uu bacaad badan ku habsaday, si ay qeyla dhaan ugu muujiso beesha caalamka iyo dowladda in wax laga qabto xaaladda adag ee ka jirto halkaasi, gurmad deg deg ahna lala gaaro dadkii degenaa oo isaga barakacay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeyso in maamulka madaxweyne Deni uu baajiyo socdaalka Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, wuxuuna qorsheheeda ahaa in marka hore ay ku hormarto Garoowe, halkaasna ay iska raacaan xubno kamid ah maamulka Puntland.

Arrintan ayaa sare usii qaadeyso khilaafka curdunka ah ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland, wuxuuna Deni ka careysan yahay in waxyaabihii uu ka filayay aaney ka helin madaxweynaha Xasan oo uu aaminsan yahay inuu wax ka soo dhistay.