AKHRISO:- Shirka Istaraatijiyadda Warbaahinta oo ka socda Istanbul

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama, ayaa maanta magaalada Istanbul kaga qeybgaley Shirka Istaraatiijiyadda Warbaahinta Caalamiga, xilli dunida ay ka jiraan caqabado iyo xasarado kala duwan oo u baahan in lagu dabaqo siyaasad cusub oo dib loogu qaabeynayo isbeddelada socda.

Shirkan ayaa waxaa hal ku dhig u ah ‘’Istaraatijiyadda Warbaahinta, Xilli Lagu Jiro Hubanti La’aan’’, iyadoo dunida ay ku soo kordheen faafinta wararka beenta ah, kicinta iyo abaabulka colaadaha iyo in si xun loo adeegsado warbaahinta. Qodobada shirkan caalamiga ah looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah waxyeelada warbixinada sida khaldan loo tebiyo ama marin habaabinta, in si wanaagsan loo adeegsado aaladaha casriga ee warbaahinta iyo in bulshada loo tebiyo warar waxtar leh.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada ku hawlan dib u qaabeynta istaraatijiyada warbaahinta si looga mira dhaliyo hawlaha xasilinta, nabadeynta, horumarka iyo in laga fogaado in si xun loo adeegsado warbaahinta cusub ee sida sahlan bulshada u wada gaarta xilligan casriga ah ee lagu jiro.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo khudbad u jeediyay ka qeybgalayaasha shirkan ayaa xusay muhimadda ku jirta in laga wadaxaajoodo qaabeynta istaraatiijiyadda warbaahinta, ayna jirto fursad la isku dhaafsado fikir iyo khibrado si loo wajaho hubanti la’aanta dunida ka jirta iyo isbeddelada dhacaya.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis, ayaa dhanka kale kulamo la qaatey qaar ka mid ah wufuudda ka qeybgalaysa shirka oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Warbaahinta Turkiga Prof. Fahrettin Altun.