AKHRISO:- QM oo dalbatay lacago dheeraad ah si wax looga qabto abaarta kajirta Soomaaliya

0

Qaramada Midoobay ayaa weydiisan doonta 25% lacag dheeraad ah sanadka 2023 si ay u maalgaliso howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee caalamka, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Martin Griffiths, isaga oo sidoo kale ka digay in iyadoo aan weli macluusha looga dhawaaqin Soomaaliya, haddana dadku ay mar hore u dhimanayeen gaajo.

Qaramada Midoobay ayaa codsatay lacag farabadan oo dhan 41 bilyan oo doolar si loogu bixiyo gargaar nafo lagu badbaadinayo sanadka 2022 waxaana lagu wadaa in la bilaabo rafcaankeeda sanadka 2023.

“Macluusha waxay kor u kici doontaa qiyaastii 25% taasina waa naxdin,” madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa yiri isaga oo aan shaacin tirooyin gaar ah. “Waxay kor u kacday sannad kasta qiyaastii 25% sannadihii ugu dambeeyay… farqiga u dhexeeya baahiyaha iyo maalgelinta ayaa sii kordhaya.”

Waxa uu sheegay in 2022-ka Qaramada Midoobay ay heshay kaliya 44% lacagta loo baahan yahay, isaga oo intaa ku daray: “Sanadihii tagay, waxaan u aragnay 60-65% sida caadiga ah.”

Martin Griffiths wuxuu sheegay in farqiga u dhexeeya maalgelinta iyo baahiyaha uu sii kordhayay sababta oo ah “saameyntii labadii sano ee la soo dhaafay” ee dhacdooyinka sida dagaalka Ukraine, iskahorimaadka, masiibada COVID-19 iyo

Soomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah waxaa kajirta abaar daran, taas oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn, waxaana yaraaday gurmadkii laga rabay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamia ah.