AKHRISO:- Ciidanka dowladda oo Shabaab kala wareegay degaano cusub

0

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa AS kala wareegay deegaanadda kala ah, Guulane, Daaru-salaam iyo Xarga-dheerre.

Afhayeenka Ciidanka xoogga Soomaaliyeed Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidanka ay kusii siqayaan degmadii ugu dambeysay ee AS kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgallada uu sii socon doono maalmaha soo socda ilaa inta Shabaab laga saaraayo guud ahaan degaanada Hirshabeelle.

Degmada Aadan Yabaal ayaa ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee Shabaab ay maamulaan waxaa hadda kaabiga ku haaya ciidanka dowladda.