AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay gobolka Baay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa xaqiijinaya in dagaal cusub ka dhacay deegaanka Daynuunay oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka wuxuu billowday Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kasoo gaaray iska hor-imaadka.

Ciidanka Dowladda ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ka dhaawacmeen saddex askari.

Kooxda Al-Shabab ayaa iyana la rumaysan yahay inuu khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tirada khasaaraha soo gaaray .

Goobjoogayaal madax-banan oo Daynuunay ku sugan ayaa xaqiijinaya in ciidanka Dowladda ay ka baxeen xerada, waxaana gacan ku haynta goobta la wareegtay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Daynuunay, lamana oga inay ka baxayaan xerada Daynuunay iyo inay sii joogayaan.

Ciidanka Dowladda ayaa wada dadaallo ay dib ugu laabanayaan fariisinka xerada Daynuunay.