AKHRISO:- Booliska Soomaaliya oo sheegay in ay qabteen eedeysane dil geysan rabay

0

Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu dil u geysan rabay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Ilaalada deegaanka Xamar.

Afhayeenka Ciidanka Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga kasoo qabteen ninka hubeysan oo watay bastoolad.

Afhayeen Sadiiq ayaa xusay in ninka xilligii la qabanayay uu doonayay inuu degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilo Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar, ninka ayaana magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale gacanta ugu soo dhigay rag hubeysan oo weerar ka fulin rabay gudaha magaalda caasimadda ah ee Muqdisho.