AKHRISO:- RW Xamse Oo Soo Xiray Shirweynaha Caalamiga Ah Ee Maalgashiga Soomaaliya.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo 2 Malmood ka socday Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka Soomaaliya uu leeyahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha.

Wuxuuna sheegay in horay loo meel mariyay sharciga maalgashiga shisheeye, kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad ku saleysan.

Mudane Xamse ayaa intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.

Shirka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya oo ahaa kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah ayna soo agaasintay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa mudadii uu socday waxaa la isku weydaarsaday fikrado maal-gashi oo muhiim u ah kuwaas oo haddii la dhaqan geliyo lagana faa’iideysto qeyb weyn ka qaadan kara gaaritaanka horumarka ay Soomaaliya hiigsaneyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay furay Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ay kasoo qeyb qeybgaleen Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada, Maalgashadayaal caalami ah iyo Marti sharaf kale.