AKHRISO:- Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo isku day dil ka badbaaday

0

Qarax Miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa waxaa Maanta lala eegtay Xoghayaha Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, xilli uu marayay meelo kamid ah degmadaas.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha degmada Kaxda ayaa lala eegtay Xoghaye Ibraahim Muxudiin Macow GAari uu watay, xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Mercy, hayeeshee uu ka badbaaday.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay Xoghayaha Maamulka degmada Kaxda uusan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah marka laga reebo burur yar oo gaaray Gaarigiisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa degmada Kaxda Maanta lagla eegtay Xoghayaha Maamulka degmadaas, iyada oo dhowr jeer mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmadaas qaraxyo Miino lagu dilay.