AKHRISO:- Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla Niger & mas’uuliyiin booqday

0

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Abdisalam Sharif Hussein oo qeyb ka ahaa wefti uu hoggaaminaayey Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka XFS mudane, Saalax Axmed Jaamac oo dalka Niger kaga qeyb-galaayey shir madaxeed uu soo qaban-qaabiyey Midowga Afrika kaas oo loogga hadlaayey Warshadeynta Afrika.

Wasiir Dowlaha XFS ayaa markii shirku dhamaaday wuxuu xabsiga magaalada Naimey ee dalkaas uu ku booqday dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe ku xirnaa dalkaas.

Taliyaha Xabsigu Captain Abdourahmane Foutah, ayaa wasiirka u sheegay in maxaabiista loola dhaqmo si haboon ayna helaan daryeelka maxbuusnimo ee xaqa u leeyihiin.

Wasiir Abdisalam ayaa sheegay in xukuummaddu ka hawlgeli doonto sidii dhalinyaraddaas xoriyadooda dib ugu heli lahayd iyadoo lala kaashanayo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaliya