AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay sida loo qabtay degaanka Ceeldheere

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay ku dhawaad 100 oo ruux oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ka dib howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka lagu magacaabo Ceeldheere.

Deegaankaan ayaa yaalla xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo kuwa caalami ah oo taageero ka siiyay dhanka hawada.

“Howlgal aad loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday in ka badan 200- oo katirsan Alshabaab oo ay kujireen 12-horjooge,Gaadiid iyo hub ayaa lagula wareegay Howlgalka”

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa hadda gacanta ku haya deegaankaasi oo muhiim ah kuna yaalla xadka labada dhinac.