AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday degaanka Qaayib

0

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiiaa kala duwan ayaa saaka ka dhacay degaanka Qaayib oo qiyaastii 105km dhinaca bari uga beegan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen degaanka Qaayib, waxaana dagaalka iyo weerarkaba ka dhashày khasaaro xoogan in kastoo aan sirasmi ah oo ogaan karin maadaama isgaarsiinta degaanka ay hawada ka maqan tahay.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay ka warheleen xogta weerarka, isla markaana gaadiidka qaraxyada siday ay ku fashiliyeen duleedka degaanka Qaayib, halka Al-Shabaab ay dhankooda sheegteen inay gudaha degaanka galeen, kuna qabsadeen dagaalka Gaadiid iyo hub farabadan.

Tan iyo markii Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay qabsadeen degaanka Qaayib ayay Al-Shabaab ku qaadeen weeraro dhowr jiho ah oo qaraxyo ku bilaawday balse aysan weli ku guuleysan inau degaankaasi dib ula wareegaan.