AKHRISO:- DFS oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay ka hortagga burcad-badeedda & Kalluumeysiga sharci darrada

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, oo uu wehlinayo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Axmed Cali Daahir, ayaa ka qeyb galaya shirkii 22-aad ee Golaha Wasiirada ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA) oo ka dhacay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo horumarin lahaa hannaanka mashaariicda waaweyn, ka hortagga burcad-badeedda, dhaca hubeysan, kalluumeysiga oo aan sharciyeysneyn iyo maareynta musiibooyinka.

Dhanka kale inta uu socday kulanka waxaa shir laba geesood ah yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar iyo Wasiir Dowlaha arrimaha dibada iyo waxbarashada ee Hindiya Mudane Dr. Rajkumar Ranjan Singh, waxaana uu kala hadlay dardar gelinta howlaha dib loogu furayo Safaaradda Hindiya ku yeelan doonto Muqdisho, kordhinta tirada deeqaha waxbarasho, fududeynta habraaca fiisaha caafimaadka, dalxiiska iyo guud ahaan isku xirka iyo fududeeynta arrimaha ganacsiga iyo xiriirka labada dowladdood sidii loosii dardargalin lahaa.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa Kulan laqaatay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Thailand, H.E. Mr. Vijavat Isarabhakdi, oo uu kala hadlay sare u qaadista heerka xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo dalxiiska.

IORA waa ururka ugu Magaca weyn ee Gobolka Badweynta Hindiya oo leh 23 xubnood oo joogta ah iyo 10 hawl wadeen.