AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

0

Saacadihii la soo dhaafay ayaa dagaal saacado badan qaatay uu ku dhexmaray degaanka Ceeldheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe Ciidamada dib u xorreeynta degaannada Gobolka Hiiraan iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ee macawiisleyda, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday saacado badan.

Gudoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan kana mid ah mas’uuliyiinta ku sugan furimaha dagaalka ayaa sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab uga dileen in ka badan 20 dagaalame, isla markaana meydadkooda ay Maanta soo bandhigi doonaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay ka warhayeen xogta weerarka Al-Shabaab, sidoo kalena dhawaan uu rajeynayo in degaannada ay hadda gacanta ku hayaan Al-Shabaab inay la wareegaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayay degaanka Ceeldheere Buraale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana saaka degan xaaladda goobihii lagu dagaalamay.