AKHRISO:- Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Maanta laba maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira muran dhuleed, waxaana goobjoogayaal ay Allgalgaduud u sheegeen in dagaalka ay ku dhinteen ilaa Saddex Ruux Afar kalena ay ku dhaawscmeen, kuwaas oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaalamay.

Xiisad dagaal ayaa Maanta laga dareemayaa Aaga Hotelka Sugulle ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ah goobtii lagu dagaalamay, iyada oo goobaha qaar ee Ganacsiga ay Maanta xiran yihiin.

laamaha Amniga Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaan weli ka hadlin dagaalka, iyada oo muranka dhulalka la xiriira ay waayadaan kusoo bateen degaannada Gobolka Mudug oo ay kala maamulaan dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale ay dagaalo uga dhaceen degaano hoostaga Magaalada Gaalkacyo, hayeeshee Puntland iyo Galmudug ayaan weli u keenin qorsho cad oo looga hortagayo dagaal Beeleedyada.