AKHRISO:- Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay hanjabaad ku aaddan in laga saarayo guddi muhiim ah

0

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa u jawaabtay Hoggaamiyaha Aqalka Laga Tirada Badan Yahay ee Mareykanka, Kevin McCarthy, kaddib markii uu mar kale ku hanjabay inuu ka saari doono Guddiga Arrimaha Dibadda, isagoo ku eedeeyay “inay dhowr jeer cambaareysay Israa’iil iyo Mareykanka.”

McCarthy, oo doonaya in bisha January uu noqdo Afhayeenka Aqalka, ayaa hanjbaaddan ku celceliyay dhowr jeer.

“Dadaallada McCarthy ee uu igu beegsanayo si xushmad darro iyo nacayb ah — ayna ku jiraan inuu iigu hanjabo inuu iga saarayo guddiga — kama tarjumayaan arrimaha ay la tacaalayaan codbixiyeyaasheenna,” ayay Ilhaan ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

“Ka warran haddii ay sababto cabsi iyo nacayb ka dhan ah Soomaalida Ameerikaanka ah iyo qof walba oo isirka ila wadaaga, ayna ina sii kala qeybiso,” ayay intaa raacisay. “Waa olole socda oo looga soo horjeedo codadka Muslimiinta iyo Afrikaanka, dadka xisbigiisa ay isku dayayeen inay mamnuucaan tan iyo markii ugu horreysay ee uu talada xafiiska qabtay Donald Trump.”

“Ma joojin doono u dagaallanka siyaasadaha bani’aadannimada leh ee sinnaan iyo caddaalad ay ku dheehan tahay. Ma joojin doono inaan u ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee daafaha dunida. Mana joojin doono inaan u dagaallamo Mareykanka oo aan dadka ku beegsaneynin isirkooda ama diintooda.” Ayay tiri.