AKHRISO:- Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidamada Puntland & Somaliland

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka Qararro oo katirsan Gobolka Somaliland iyo Puntland u yaqaanaan Gobolka Ceyn ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Somaliland & Puntland.

Dagaalka ayaa salka ku haaya gacan ku heynta degaanka Qararro, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday laba Ruux halka Shan kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ah dhinacyadii dagaalamay.

In kastoo xaaladda saaka ee degaanka Qararro ay tahay mid degan ayaa hadana dadka degaanka ay sheegayaan inay weli dareemayaan cabsi xoogan oo la xiriirta in markale dushooda lagu dagaalamo.

Saraakiisha Ciidamada labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana horay labada maamul ay isugu qabsadeen gacan ku heynta Magaalada Boocame ee Gobolka Sool