Ciidamo katirsas kuwa dowladda Soomaaliya balse loo abaabulay hab Beeleed ayaa Maanta diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, iyaga oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamadan ayaa ku biiri doona Ciidamo kale oo horay loo geeyay Magaalada Dhuusamareeb si ay uga qeyb noqdaan howlgalka AS looga saarayo degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Xildhibaano katirsan golaha Shacabka oo uu kamid yahay Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa aroonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Ciidamada, iyaga oo sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.